Dagaal gacan ka hadal ah ayaa shalay magaalada Xadar ku dhex maray ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Al-Shabaab

 Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa fashiliyay weerar ay Al-Shabaab ku soo qaadeen magaalada Hadar


Magaalada Hadar

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa ku waramaya in dagaal khasaara dhaliyay uu shalay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ku dhaxmaray magaalada Xadar oo ka tirsan degmada Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Weerarka ayaa yimid markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaan qiyaastii 20 KM u jira magaalada Xadar.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in la dilay askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka, halka Al-Shabaabna uu soo gaaray qasaaro xoogan, qaarna la qabtay qaarna la dhaawacay.

War qoraal ah oo ay soo saartay dowladda Federaalka ayaa lagu faah faahiyay in ay u suuragashay in ay fashiliyaan weerarkaas, islamarkaana ay hadda wadaan sugidda ammaanka goobihii ay ka dhaceen iska horimaadka oo socday saacado badan.

Post a Comment

0 Comments