Madaxweyne Xasan Sheekh oo magaalada Muqdisho ka dhagax dhigay mashruuc weyn oo hanti ma guurto ah
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhagax dhigay mashruuc weyn oo loogu magacdaray “Diamond Beach” oo ay maal-galiyeen ganacsato Soomaaliyeed.
Mashruucu wuxuu ka kooban yahay guryo la dego oo qaadi kara 50,000 oo qof, oo leh adeegyo badan sida dhismayaal ganacsi, iskuulo, xarumo caafimaad, masaajido iyo xarumo madadaalo.
"Dhismaha xaafaddan waa bilowga Soomaaliyada cusub oo dib u qaabaynaysa dawladnimadeeda oo la tartanta caalamka," ayuu yiri madaxweynuhu. Waxa uu intaasi ku daray “Ganacsatada Soomaaliyeed waa inay dalkooda aaminaan, dowladdana ay ku garab istaagaan bixinta canshuuraha lagu leeyahay, si aan uga soo kabsano dhibaatadii na soo gaartay”.
Madaxweyne Maxamuud ayaa uga mahadceliyey ganacsatada sida ay dalkooda u maalgashadaan, isla markaana ay shacabka Soomaaliyeed ugu soo kordhiyeen mashaariic wax ku ool ah, isagoo sidoo kale kula dar daarmay in ay taageeraan dowladooda inta laga gaarayo xilliga ay isku kalsoon yihiin.
0 Comments