Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha Ciraaq
![]() |
Arbacadii, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamaz Cabdi Barre, ayaa magaalada Manama ee dalka Baxreyn kula kulmay Dr. Abdul Latif Rashid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ciraaq.
Ra’iisul Wasaare Berri ayaa kala hadlay Madaxweynaha Ciraaq xoojinta iskaashiga iyo danaha guud ee labada shacab, iyo is dhaafsiga khibradaha dhanka amniga ah.
Kulanka ayaa looga hadlay -sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya - danaha labada dal ee ay ka faa’ideysan karaan labada shacab, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, dhaqanka, waxbarashada iyo caafimaadka.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ciraaq oo ku saleysan danta guud ee labada dal, isagoo xusay in dowladaha Soomaaliya iyo Ciraaq ay wadaan dadaallo lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee dalalkooda ku sugan.
0 Comments