Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Muqdisho ka furmay
Maanta oo Talaado ah waxaa Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho ka furmay Shirka Golaha Talada Qaranka oo ay ku jiraan Hoggaanka Dowladda Federaalka, Madaxda Dowlad Goboleedyada, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Sida ay qortay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONA, Madaxda Soomaaliya ayaa inta uu socdo shirka oo uu shir guddoominayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa ay uga hadlayaan xaaladda amniga, xoojinta howlgallada ciidamada ay ka wadaan dalka, iyo dhameystirka dastuurka KMG ah.
Madaxda dowlad goboleedyada ayaa ka qeyb galaya shirka, marka laga reebo Madaxweynaha Puntland, Ra’iisul Wasaaraha, ku xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
0 Comments