Wasiirka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Faqi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Dowladda Qatar u qaabilsan Soomaaliya Mudane Dr. Abdullah Salem Nasser Al-Naim.
Intii uu socday kulanka, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, waxaa looga hadlay xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo labada dhinac ah iyo faylalka danta guud, ee u taagan horumarka iyo barwaaqada.
0 Comments