Dowladda Soomaaliya ayaa codsatay in la joojiyo shaqada xafiiska gargaarka Qaramada Midoobay ee dalka
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga codsatay Qaramada Midoobay in la joojiyo shaqada xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM.
Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ayaa tilmaantay in Soomaaliya ay horumar ka sameysay dhismaha dowladnimada, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda, waxayna ku micneysay in ay door bideyso in loo madax bannaaneeyo horumarinta mustaqbalka dalka.
Wasaaraddu waxay sheegtay in la joogo xilligii loo gudbi lahaa wajiga labaad, waxayna sheegtay inay ku kalsoon tahay in dowladda Soomaaliya ay sii wadi doonto dadaalka ay ugu jirto ilaalinta nabadda iyo horumarka.
Waxaa xusid mudan in howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu ku eg yahay dhamaadka bisha October ee sanadka 2024-ka, waxaana codsigan uu kusoo beegmayaa xilli Catriona Ling oo ah ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ay dalka ka dhoofeyso. bishan ka dib markii uu dhamaaday muddo xileedkeeda.

0 Comments