Ahmed Issa Gotale ayaa la saxiixday dhigiisa dalka Sweden Helen Lindberg heshiis iskaashi oo wada jir ah

 Soomaaliya iyo Sweden oo soo gabagabeeyay heshiis iskaashi


Ahmed Issa Gotale iyo Helen Lindberg

Hanti dhowrka guud ee dowladda federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Gootaale ayaa la saxiixday dhiggiisa dalka Sweden Helen Lindberg heshiis iskaashi oo u dhaxeeya xafisyada hanti dhowrka labada dal.

Heshiiska ayaa lagu kala saxiixday shirkii 20-aad ee Golaha Sare ee Afrosai iyo Dib-u-eegista Istiraatiijiyadeed ee 2024 oo lagu qabtay caasimadda Uganda ee Kampala.

Heshiiskan oo socon doona muddo shan sano ah ayaa ujeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada hay’adaha dowladda, maamul wanaaga, isla xisaabtanka iyo isdhaafsiga khibradaha dhanka hanti dhowrka guud ee hay’adaha dowladda.

Post a Comment

0 Comments