Ra’iisul Wasaaraha ayaa qaabilay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya
![]() |
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta oo Axad ah xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Danjire Axmed Juma Al Rumaithi.
Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka Imaaraadka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta saaxiibtinimada iyo iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Xamzah.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Berri ayaa uga mahadceliyey Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Axmed Juma Al Rumaithi, taageerada ay Imaaraadka ka siiyaan Soomaaliya dhinac kasta.
Imaaraadka Carabta ayaa lagu tiriyaa mid ka mid ah dalalka xiriirka dhow la leh dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo Abu Dhabi ay ka qeyb qaadato tababarada iyo qalabeynta ciidamada Soomaaliya, sidoo kalena ay ka qeyb qaadato wax ka qabashada xaaladaha degdega ah.
0 Comments