Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta ee ay la leeyihiin dalalka Bartamaha Aasiya waxay ku dhawaaqeen inay taageerayaan madax-bannaanida Soomaaliya
Waxaa magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar lagu soo gaba gabeeyay shirkii saddexaad ee Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carbeed oo ay yeesheen dalalka bartamaha Aasiya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan, iyadoo ay ka soo qeyb galeen Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta, Azerbaijan, Uzbekistan, Tajikistan, Turkmenistan, Kyrgyzstan, Kazakhstan, iyo Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Mudane Ahmed Aboul Gheit.
Gabagabadii kalfadhiga ayaa waxaa ka mid ahaa in dalalkan ay taageeraan madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, sida ku cad Axdiga Qaramada Midoobay iyo Axdiga Jaamacadda Carabta.
Wasiirradu waxay si buuxda u taageersan yihiin diidmadii ay dawladda Soomaaliya ku diiday heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya la saxeexatay maamulka Somaliland 1-dii January 2024, iyagoo ku nuux-nuux saday inay diiddan yihiin heshiiskaas iyo wax kasta oo ka dhashay sharci, siyaasad, ganacsi iyo mid ciidanba, waxaanay ku booriyeen dhammaan dalal ay ku cambaareeyaan oo ay diidaan.
Wasiirada ayaa sidoo kale ku gacan seyray in heshiiskan looga faa’ideysto in xaalad siyaasadeed oo cusub laga abuuro gacanka Cadan iyo xeebaha Soomaaliya iyo Badda Cas, taasi oo ay ku tilmaameen mid halis ku ah amniga qaranka wadamada Carabta iyo isu socodka Badda Cas. Badda iyo Gacanka Cadmeed.
0 Comments