Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya shirka madaxda Afrika iyo Bankiga Adduunka
Isniintii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Nairobi kaga qeyb galay shirka madaxda Afrika iyo Bankiga Adduunka, waxaana intii uu socday kulanka uu soo bandhigay qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku aaddan maalgashiga iyo wareejinta mashaariicda la maalgeliyo ee ku aaddan kaabayaasha dhaqaalaha wax soo saarka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iskaashiga dhaqaale iyo fududeynta ganacsiga ka dhexeeya dalalka Qaaraddu ay saldhig u tahay qorshayaasha lagu horumarinayo nolosha dadkeena saboolka ah, meesha looga saarayo saboolnimada, laguna gaari karo hiigsiga horumarineed ee guud ee Qaramada Midoobay.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Soomaaliya marka loo eego dhaawaca soo gaaray dhaqaalaheeda iyo hay’adaha dowladda, maanta waxaad mooddaa inay ka soo kabsatay oo ay ka soo gudubtay marxalad aad u adag, maadaama ay cagta saartay wadadii xasilloonida dhaqaale iyo horumar bulsho iyo mid ganacsi. ” "Taasi waa sababta aan u sii wadeyno qorshooyinka aan ku taageerayno oo aan ku dhiirigelineyno soo kabashada dhaqaalaha," ayuu raaciyay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay madaxda Bankiga Adduunka dadaalka ay ku bixinayaan dhaqaalaha iyo awood siinta dalalka taagta daran, si xal waara looga gaaro musiibooyinka dib u dhigay nolosha shacabka dalalkaas.
0 Comments