Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeyb galay munaasabadda maalinta midnimada dalka Tanzania
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga la socda ayaa ka qeyb galay booqasho rasmi ah oo uu ku tagay dalka Tanzania oo ku beegan sanadguuradii 60-aad ee midnimada dalkaasi.
Maalinta Midnimada Tansaaniya waxa ay u taagan tahay waqti muhiim u ah taariikhda dalka iyada oo la xusayo midowgii Tanganyika iyo Zanzibar 26-kii Abriil, 1964-tii, taas oo horseedday in la sameeyo Jamhuuriyaddii Midowday ee Tansaaniya.
Midawgu waxa uu ka dhashay taariikh wadaag iyo halgankii guud ee dhinacyada dhaqaalaha, bulshada iyo dhaqanka ee u dhexeeyay dadka Tanganyika iyo Zanzibar. Maanta oo kale hogaamiyayaasha labada dal ee kala ah Maallem Julius Kambarage Nyerere iyo Sheikh Abeid Amani Karume ayaa saxiixay heshiis ay ku mideynayaan hal jamhuuriyad oo madaxbanaan.
Madaxweynaha Soomaaliya oo fursadan ka faa’ideystay ayaa ugu hambalyeeyay marti-qaadayaashiisa guulaha ay ka gaareen ilaalinta midnimada iyo wadajirka, isagoo ku dheeraaday muhiimadda uu leeyahay xiriirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo Tanzania oo saldhig u ah horumarinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo midka dhaqaale.
Booqashadan ayaa muujineysa xiriirka sii kordhaya ee Soomaaliya iyo Tanzania, gaar ahaan marka la eego qaab dhismeedka bulshada Bariga Afrika. Labada dal ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka labada dal, maadaama Tanzania ay taageereyso madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Dabaaldegga ayaa ku soo beegmaya xilli Tanzania ay sidoo kale la tacaaleyso caqabadaha hadda jira oo ay ka mid yihiin fatahaadihii ugu dambeeyay ee saameeyay qeybo badan oo ka mid ah dalka.
0 Comments