Ahmed Moallem Faki oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Imaaraadka Carabta

 Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa kala hadlay Safiirka Imaaraadka sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dhinac


Ahmed Moallem Faki

Maanta oo Arbaco ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Faqi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Juma Al Rumaithi.

Sida lagu sheegay qoraal wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ay soo dhigtay barteeda rasmiga ah ee Facebook-ga, Faki wuxuu kala hadlay safiirka Imaaraadka sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah.

Danjire Ahmed Al Rumaithi oo wakiil ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan, ayaa u hambalyeeyay Wasiirka cusub ee loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, isagoo si kal iyo laab ah u rajeeyay inuu ku guuleysto gudashada waajibaadka cusub ee loo igmaday.

Post a Comment

0 Comments