Xamza Cabdi oo Muqdisho ku qaabilay wakiilo ka socda Baarlamaanka Bariga Afrika

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Baarlamaanka Bariga Afrika oo Muqdisho soo gaaray


Xamza Cabdi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamzah Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay wakiilo ka socda Baarlamaanka dalalka Bariga Afrika.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay xoojinta dadaallada iskaashiga ah ee fududeynaya in Soomaaliya ay si habsami leh uga mid noqoto dhaqaalaha gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in si deg deg ah wax looga qabto dhinacyada farsamada si loo fududeeyo ka qeybgalka Soomaaliya ee suuqa Bariga Afrika.

Bishii la soo dhaafay, Soomaaliya waxay si buuxda u heshay xubinimada Bulshada Bariga Afrika ka dib markii ay buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa inay ka mid noqoto ururka gobolka.

Bulshada Bariga Afrika waxaa la aasaasay 2000 waxayna xarunteedu tahay Arusha. Hadafkeedu waa kor u qaadida kobaca dhaqaalaha iyada oo meesha ka saaraysa cashuuraha kastamka ee u dhexeeya dawladaha xubnaha ka ah. Sannadkii 2010, waxay samaysay suuq-wadaag.

Post a Comment

0 Comments