Midowga Yurub ayaa ogolaaday in $116.9 milyan uu u qoondeeyo dadaallada xasilinta Soomaaliya

 Midowga Yurub ayaa ansixiyay 116.9 milyan oo doolar si loo xoojiyo ammaanka Soomaaliya


Midowga Yurub

Midowga Yurub ayaa sheegay in ay isku raaceen in lacag dhan 116.9 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah loo qoondeeyo dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya, waxaana Midowga Yurub uu tilmaamay in dhaqaalahan loogu talagalay in lagu taageero Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Ururku wuxuu sheegay in $74.4 milyan lagu kordhin doono dhaqaalihii hore loogu abaabulay howlgalka Afrika sannadihii hore iyo $42.5 milyan oo loogu talagalay ciidamada Soomaaliya.

Waxa uu intaa ku daray hadal uu soo saaray Talaadadii in u jeedka laga leeyahay taageeradan uu yahay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay kala wareegaan mas’uuliyadda amniga ee Howlgalka Afrika.

Waxaa xusid mudan in 2023-kii ay ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ka howlgala ay si tartiib tartiib ah u billaabeen ka bixitaankooda Soomaaliya iyagoo fulinaya go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana la dhameystiray wejigii koowaad iyo labaad oo 5,000 oo askari laga saaray, waxaana la filayaa in inta harsan ay ka baxaan Soomaaliya. si buuxda uga baxaan dalka dhamaadka sanadkan.

Post a Comment

0 Comments