Xasan Sheekh ayaa casuumaad u fidiyay madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah si ay uga soo qeyb galaan shirka golaha wadatashiga Qaranka

 Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho ku casuumay madaxda Golaha Talada Qaranka


Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa casuumaad u diray madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir si ay uga qeyb galaan shirka golaha wadatashiga qaran ee Muqdisho ka furmaya 20-ka ilaa 21-ka bishan April.

Kulanka soo socda ayaa looga hadlayaa arrimo la xiriira la dagaalanka argagixisada iyo dhameystirka dastuurka dalka iyadoo la isku mari la’yahay wax ka bedelka dastuurka.

30-kii Maarso, Baarlamaanka Soomaaliya oo labada gole ah ayaa isku raacay in wax ka bedel lagu sameeyo afarta cutub ee ugu horreeya dastuurka KMG ah ee dalka, kaasoo ka kooban 15 cutub.

Post a Comment

0 Comments