Dowladda Soomaaliya ayaa ka qayb-gasha shirarka Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Kooxda Bangiga Adduunka

 Soomaaliya waxay ka qaybgashaa shirarka gu'ga ee Kooxda Bankiga iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF


Dowladda Federaalka Soomaaliya

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka qeybgashay shirarka gu'ga 2024 ee hay'adda lacagta adduunka ee IMF iyo kooxda Bangiga Adduunka, kaasoo ay martigelisay Washington, DC, intii u dhaxeysay 15-ka illaa 20-ka Abriil.

Wafdiga Soomaaliya ee ka qeyb galaya howlaha shirarkan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka ah, Biixi Iimaan Aghi.

Xubnaha wafdiga ayaa lagu wadaa in ay kulamo la qaataan wasiirada maaliyadda ee dalalka Geeska Afrika iyo madax caan ah oo ka tirsan madaxda hay’adaha maaliyadda gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Post a Comment

0 Comments