Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan ay ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan

 Soomaaliya ayaa ku baaqday in la is xakameeyo iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe


Soomaaliya

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ugu baaqday dhammaan dhinacyada in ay is xakameeyaan, maadaama ay xiisadaha ka taagan yihiin Bariga Dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujisay is-bedellada ugu dambeeyay ee khatarta ku ah xasilloonida gobolka iyo tan caalamka.

Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay in ay la garab taagan tahay shacabka reer Falastiin si ay u helaan aayo ka tashi iyo cadaalad.

Post a Comment

0 Comments