Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah oo digniin u dirtay dhammaan maraakiibta iyo shirkadaha

 Soomaaliya ayaa ka digtay kalluumeysiga sharci darrada ah ee ka socda baddeeda


Dowladda Federaalka Soomaaliya

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin u dirtay dhammaan Maraakiibta iyo Shirkadaha sida sharci darrada ah uga kalluumeysta Xeebaha Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay ku baaqday in la dhowro sharciga maamulka iyo horumarinta kalluumeysiga Soomaaliya, gaar ahaan qodobka 31-aad oo qeexaya hababka kalluumeysiga ee la oggol yahay.

Wasaaraddu waxay si adag ugu nuuxnuuxsatay in aan la ogoleyn nooc kasta ama hababka kalluumeysiga ee ku xadgudba sharciga, haddii ay dhacaanna ay keeni karto in tallaabo adag laga qaado ciddii falkaas sameysa.

Wasaaraddu waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada digniinta loo jeediyay inay qaataan mas’uuliyadda saaran si loo ilaaliyo kheyraadka badda Soomaaliya, loogana faa’ideysto si sharci ah.

Post a Comment

0 Comments