Booliiska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay askari lagu eedeeyay inuu dilay qof shacab ah

 Askari lagu eedeeyay inuu dilay qof shacab ah ayaa loo xiray gacan ka hadal ka dhacay goob timo-jare ah oo ku taalla magaalada Muqdisho


Muqdishu

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Askari lagu eedeeyay in uu toogasho ku dilay qof shacab ah kadib markii ay ku murmeen goob Timo-jare ah, waxaana dhacdadii ka dhacday magaalada Muqdisho ay dhalisay caro iyo cambaareyn uga timid maamulka iyo shacabka.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah askariga ayaa gudaha u galay goobta tima jaraha oo uu damcay in uu horay u sii socdo,taasi oo keentay in ay isku dhacaan muwaadinka oo markii horeba ku fadhiyay kursiga timo jaraha. Goob joogayaal ayaa ku waramay in qofka rayidka ah uu diiday in uu ka tanaasulo goobta uu ku sugnaa, taasi oo keentay in labada dhinac ay is khilaafaan.

Askariga ayaa iska hor imaadka kadib waxa uu soo qaatay hubkii uu watay,waxana uu toogtay ruuxa rayidka ah taasi oo keentay in uu dhaawac soo gaaro askariga oo isku dayay in uu ka baxsado goobta uu falka ka dhacay balse gacanta lagu dhigay.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Abdel Fattah Adam, ayaa ku tilmaamay dhacdadan mid murugo weyn leh, isagoo xusay in dembiilaha uu hadda xiran yahay, lagana sugayo in sharciga loo maro.

Post a Comment

0 Comments