Mudane Mahmoud Muallem ayaa la kulmay Safiirka Imaaraadka Carabta Mudane Ahmed Al Rumaithi

 Madaxa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya


Mudane Mahmoud Muallem iyo Mudane Ahmed Al Rumaithi

Madaxa Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya, Maxamuud Macallin Cabdullaahi, ayaa maanta oo Khamiis ah kulan kula qaatay xarunta safaaradda Soomaaliya ee Muqdisho Safiirka Imaaraadka Carabta Danjire Axmed Juma Al Rumaithi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray u diyaar garowga roobabka gu’ga si loo yareeyo khatarta ka dhalan karta fatahaadaha ka dhasha roobabka, isla markaana kor loogu qaado, dabagalna loogu sameeyo codsiyada ay hay’addu u soo gudbisay safaaradda.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dhameystirka mashruuca biyo xireenka “Sapon” ee magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle, kaasi oo Imaaraadka uu u ballan qaaday, waxaana sidoo kale laga hadlay fududeynta wareejinta deeqaha Imaaraadka uu bixiyo iyo sidii loo gaarsiin lahaa. Gobollada Bay, Bakool iyo Gedo.

Madaxa Hay’adda ayaa shahaado sharaf ku guddoonsiiyay Mudane Danjire Al-Rumaythi, sida hagar la’aanta ah ee uu hay’adda ugala shaqeeyay abaaraha iyo fatahaadaha iyo gaarsiinta deegaannada laga saaray Al-shabaab.

Muallem ayaa sharaxaad ka bixiyay ansixinta codsiyada hay’adda ee ah in gargaar cusub laga keeno Imaaraadka oo la soo mariyo dekedaha Muqdisho, Kismaayo, Berbera iyo Boosaaso, taasoo muujineysa in si degdeg ah looga jawaabi doono.

Post a Comment

0 Comments