Dib u dhigista shirka Golaha Talada Qaranka sababo farsamo awgeed
Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay maanta oo Sabti ah ayaa arrimo farsamo awgeed dib ugu dhacay.
War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu yiri “Shirkan muhiimka ah ee lagu dardargelinayo dhismaha dowladnimada, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, dhameystirka dastuurka iyo arrimo kale oo muhiim ah ayaa dib loo dhigay muddo kooban”.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dib u dhigista shirka ay la xiriirto khilaaf u dhaxeeya madaxda dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada, waxaana Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ka mid ahaa dadkii lagu casuumay ka qeyb galka shirka uu horay u sheegay inuusan ka qeyb galayn shirka. waa.

0 Comments