Kulan heer sare ah oo looga hadlayay amniga Muqdisho ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho
Kulan si heer sare ah loo soo agaasimay oo looga hadlayay amniga caasimadda ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana shir guddoominayay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Salb Axmed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jumcaale “Madaali” oo looga hadlayay sidii loo adkeyn lahaa amniga Caasimadda. .
Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin uu ka mid yahay Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka C/llaahi Maxamed Cali (Sanbululshi), Saraakiil ka socotay Ciidamada Booliska, Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.
Kulanka ayaa yimid kadib kulan uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu la qaatay Booliska Soomaaliyeed, isagoo ku nuux nuuxsaday muhiimadda ay leedahay ilaalinta Nabadda Caasimadda.
Taliyaha Booliska Selb iyo Guddoomiye Jumcaale ayaa labaduba waxa ay carabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in la sameeyo istaraatiijiyad dhameystiran oo lagula dagaalamayo khataraha amniga iyo sugidda amniga shacabka Muqdisho, waxaana ay mas’uuliyiintu ka wadahadleen tallaabooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin kordhinta roondooyinka amniga, kor u qaadista xogta sirdoonka iyo hagaajinta isku xirka hay’adaha amniga.
Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jumcaale ayaa ku nuux nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in bulshadu ay ka wada qeyb qaataan sugidda nabadda iyo amniga, isagoo ugu baaqay shacabka Muqdisho in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, isla markaana ay soo sheegaan wixii ay ka shakiyaan.
"Ma gaari karno nabad iyo ammaan waarta haddii aan la helin taageerada muwaadiniinta," ayuu yiri. "Si wadajir ah, waxaan u dhisi karnaa Muqdisho ammaan iyo barwaaqo."
Gabagabadii kulanka ayaa dhamaan dadkii ka soo qeyb galay waxa ay balan qaadeen in ay ka shaqeyn doonaan sidii magaalada Muqdisho ay u noqon laheyd mid amaan ah iyo sidii ay magaaladu u ahaan laheyd goob amaan ah oo ay ku nool yihiin dadka iyo dadka soo booqda.
0 Comments