Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha oo Muqdisho ku qabatay shir looga hadlayo maalgashiga

 Shirka Maalgashiga Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho


Xamza Cabdi

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa hadda ka socda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Arbacadii, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doona muddo labo maalmood ah, waxaana ka soo qeyb galay dad caan ah oo ka kala socda caalamka oo dhan, waxaana shirkan looga gol leeyahay in lagu soo bandhigo awoodda Soomaaliya ay ku leedahay dhinacyada muhiimka ah sida beeraha, isgaarsiinta iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in ay doonayso in ay xoojiso kobaca dhaqaalaha iyada oo kor u qaadaysa fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, waxaana munaasabaddan ay qayb ka tahay istaraatiijiyad ballaaran oo lagu soo jiidanayo maalgashi caalami ah laguna muujinayo awoodda dhaqaale ee Soomaaliya.

Post a Comment

0 Comments