Soomaaliya iyo Masar ayaa ka wada hadlaya sare u qaadista iskaashiga labada dal
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Isxaaq Maxamuud Mursal, ayaa la kulmay Safiirka Jamhuuriyadda Carabta ee Masar u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Al-Siciid Axmed Al-Baz.
Kulanka oo ka dhacay xarunta wasaaradda ee magaalada Muqdisho ayaa labada dhinac waxay kaga wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa dhinacyo kala duwan.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii loo sii xoojin lahaa dhinacyada iskaashiga labada dal ee dhinacyada danta guud iyo sidii loo sii ambaqaadi lahaa xiriirka labada dal.
0 Comments