Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, si uu uga qeyb galo shirka madaxda Afrika

 Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray magaalada Nairobi si uu uga qeyb galo shirka madaxda Afrika ee Bankiga Adduunka


Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, si uu uga qeyb galo shirka madaxda Afrika ee Bankiga Adduunka, kaasi oo dhici doona 29-ka April 2024.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay hay’adda horumarinta caalamiga ah oo uu garwadeen ka yahay bangiga adduunka ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta iyo maalgashiga qaaradda Afrika si loo sii xoojiyo mashaariicda horumarineed ee waaweyn.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Nairobi waxaa lagu wadaa in uu kulamo gaar gaar ah la yeesho madaxda Afrika iyo madaxda hay’adda horumarinta caalamiga ah, si loo dardargeliyo wada shaqeynta Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ee maaliyadda.

Ka qeyb galka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya iyadoo Soomaaliya laga cafiyay deymihii lagu lahaa muddada dheer, taasoo fursad u siisay dalka inuu helo maalgashi caalami ah iyo mashaariic horumarineed.

Post a Comment

0 Comments