Soomaaliya iyo Liibiya oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga
La-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Taahir Maxamuud Jelly oo booqasho ku jooga dalka Liibiya ayaa la kulmay Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Liibiya Maxamed Yunus Al-Manfi.
Jelly ayaa dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud u gudbiyey dhiggiisa dalka Liibiya, waxaana qodobada looga wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Liibiya, iyadoo diiradda lagu saaray iskaashiga dhinacyada ganacsiga, amniga iyo iskaashiga siyaasadda.
Labada dal ayaa muujiyay rabitaankooda wadajirka ah ee ku aaddan xoojinta xiriirkooda, iyagoo garwaaqsan muhiimadda ay leedahay wadajirka iyo iskaashiga si loo gaaro yoolalka iyo ka hortagga caqabadaha guud.
Kulankan ayaa ka dhigan tallaabo hore loogu qaaday dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga xooggan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Liibiya, taasoo ka tarjumaysa sida ay uga go’an tahay inay ka wada shaqeeyaan barwaaqada iyo xasilloonida dalalkooda iyo gobolka.
0 Comments