Dowladda Soomaaliya ayaa ka laabatay codsigii ahaa in la xiro xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan kaalmada Soomaaliya

 Dowladda Soomaaliya ayaa ka laabatay codsigii ahaa in la xiro xafiiska howlgalka Qaramada Midoobay


Axmed waa macalin faqi

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka laabatay codsigii ahaa in la xiro xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan kaalmeynta Soomaaliya warqad ay u dirtay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay 5-tii bishan, waxayna mar kale ku baaqday in wax laga beddelo shaqada xafiiska.

Warqad labaad oo uu u qoray golaha ammaanka oo ku taariikheysneyd 9-kii May, 2024, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Faki, ayaa si rasmi ah uga codsaday Qaramada Midoobay in ay bilowdo qorshe looga gudbayo howlgalka siyaasadeed ee dalka loogu wareejinayo koox ka socota Qaramada Midoobay oo diiradda saareysa horumarinta. ka dib wadahadal dhanka khadka ah oo dhex maray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres.

Wadahadalladan oo dhex maray Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa diiradda lagu saarayay sidii loo qeexi lahaa halbeegyada kala guurka cad oo nidaamsan, si wax looga qabto caqabadaha hor-u-socodka iyo dowladnimada fog ee Soomaaliya.

Warqadaha ay dowladda Soomaaliya la wadaagtay golaha ammaanka ayaa lagu muujiyay baahida loo qabo in si habsami leh loo sameeyo qorshe kala guur ah oo ay ku jirto in la sameeyo koox farsamo oo isku dhaf ah oo go’aamisa qaabka iyo jadwalka isbeddelka habkan ayaa looga gol leeyahay in lagu sii amba qaado guulihii laga gaaray howlgalladii hore ee Qaramada Midoobay markii la diyaarinayey Istaraatiijiyado iskaashi oo cusub oo diiradda saaraya horumar waara iyo kor u qaadista Amniga.

Isbedelkan ayaa ku soo beegmaya xilli loo baahnaa, iyadoo la eegayo caqabadaha caalamka ka jira sida amniga caalamiga ah, isbeddelka cimilada, iyo horumarinta dhaqaalaha, kuwaas oo u baahan xal wada jir ah oo dhex mara dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamka.

Post a Comment

0 Comments