Waxaa lasoo gaba gabeeyay shirkii golaha wadatashiga qaranka

 Natiijadii shirkii Golaha Talada Qaranka


Hoggaanka dowladda federaalka

Shirka Golaha Talada Qaranka oo ay ku jiraan Hoggaanka Dowladda Federaalka, Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kaasi oo ka socday Caasimadda Muqdisho 14-17-kii May, 2024-ka, ayaa la soo gaba gabeeyay, kaddib afar maalmood oo looga hadlayay arrimo ku saabsan sidii loo dardargelin lahaa. xaaladaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee dalka.

Gaba gabadii kulanka ayaa lagu sheegay in goluhu isku raacay afar qodob oo kala ah xoojinta amniga, la dagaalanka Al-Shabaab, dhameystirka dib u eegista dastuurka, xoojinta dimuqraadiyadda iyo arrimaha bini’aadantinimada.

Goluhu wuxuu kaloo taageeray dadaallada dowladda federaalka ay ugu jirto sidii loo dardargelin lahaa qorshaha kala guurka ah iyo dadaallada loo galay in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay la wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka ka dib markii ay isaga baxeen ciidamada Midowga Afrika ee “Atmis”, taasoo la filayo in gabi ahaanba laga baxo dalka dhamaadka sanadkan.

Waxaa xusid mudan in maamul goboleedka Puntland uusan ka qeyb galin shirka golaha wadatashiga qaranka, iyadoo horay u sheegtay inay xiriirka u jartay dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo marar badan la xaqiijiyay inaysan qeyb ka ahayn go’aannadii kasoo baxay golaha.

Post a Comment

0 Comments