Ahmed Moallem Faqi iyo wafdigii la socday oo gaaray magaalada Riyaad

 Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo gaaray Riyaad


Ahmed Moallem Faqi

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Faqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Riyaad ee caasimadda dalka Sacuudiga.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato dhiggiisa Sacuudiga Amiir C/casiis Bin Sacuud Bin Naa’if Bin C/casiis Aala Sucuud.

Xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga iyo arrimaha kale ee danta guud ayaa qeyb ka ah ajandaha wadahadalka u dhaxeeya Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Boqortooyada Sacuudiga.

Post a Comment

0 Comments