Wasiirka Qorsheynta ayaa kala hadlay Agaasimaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya dhinacyada iskaashiga mustaqbalka
Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan Bini Bini ayaa maanta oo Talaado ah kulan la qaatay Agaasimaha Xafiiska Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Christina Svensson.
Intii uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga mustaqbalka ee Wasaaradda iyo Bankiga Adduunka ee qorsheynta iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed ee dalka iyo hindisaha lagu dhimayo deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.
Waxaa xusid mudan in Soomaaliya ay sii wado horumarka ay ku gaareyso heerka dhameystirka geeddi-socodka Hindise-sharciyeedka Waddamada Faqiirka ah ee deymaha badan ku leh dhammaadka 2023-ka.

0 Comments