Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa ka wada hadlaya sidii kor loogu qaadi lahaa waddooyinka iskaashiga amniga
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Faqi oo booqasho ku jooga Boqortooyada Sacuudiga ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalkaas Amiir C/casiis Bin Sacuud.
Kulanka labada wasiir ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa waddooyinka iskaashiga amniga ee labada wasaaradood, iyadoo sidoo kale ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay wadaagaan.
Sida ay sheegtay warbaahinta Sacuudiga kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin badan oo ka kala socday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga.

0 Comments