Digniinaha Soomaaliya ee ku saabsan kor u kaca heerka biyaha
Hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka ayaa sheegtay in heerka biyaha webiyada Jubba iyo Shabeelle ay sare u kaceen kadib roobab mahiigaan ah oo ka da’ay qeybo ka mid ah dalka iyo dhulka buuraleyda ah ee dalka Itoobiya, taasi oo ka dhigan in ay sii socon doonaan fatahaadaha, lagana yaabo in ay geystaan khasaare naf iyo maalba leh.
Tirada dadka ku dhintay fatahaadaha ka dhashay roobabka xooggan ee ka da’ay Soomaaliya ayaa gaartay 96 qof, iyadoo ku dhawaad labo milyan oo qof ay ka barakaceen guryahooda, sida ay sheegtay hay’adda ka hortagga musiibooyinka Qaranka.
Geeska Afrika waxaa ka da’aya roobab mahiigaan ah iyo daadad xiriir la leh ifafaalaha cimilada El Niño, waxaana ku dhintay tobanaan qof iyo barakac baahsan oo ay ka mid tahay Soomaaliya, halkaasoo roobabku ay burburiyeen buundooyin iyo daadad ku soo rogmaday degaannada la deggan yahay.
Hay’adaha samafalka ayaa ka digay xaaladda ka sii daraysa ee Geeska Afrika, waxayna ku baaqeen faragelin degdeg ah oo caalami ah, maadaama la filayo in xaaladda El Niño ay sii socoto illaa ugu yaraan Abriil 2024.
0 Comments