Midowga Yurub ayaa ballan qaaday in uu Soomaaliya u fidin doono gargaar milateri

 Midowga Yurub ayaa hal milyan oo Yuuro oo kaalmo milateri u qoondeeya ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya


Midowga Yurub

Midowga Yurub ayaa ku yaboohay gargaar ciidan oo cusub oo ku kacaya 1 milyan oo Yuuro si loogu taageero ciidamada Soomaaliya iyo in la siiyo qalab ciidan ka hor inta aysan ciidamada Afrikaanta ka bixin dalka.

Gargaarkan ayaa ujeedkiisu yahay in lagu taageero ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo isku diyaarinaya in ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka kadib marka ay baxaan ciidamada Midowga Afrika dhamaadka sanadka soo socda.

Xiriiriyaha Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa ku nuux-nuux saday inay ka go’an tahay sidii loo heli lahaa Ciiddamo dilaa ah oo ay helaan Ciiddanka Somalia, isagoo ku nuux-nuux saday in Ciiddanka Qaranka Somalia si wanaagsan loo qalabayn doono loona tababari doono.

Midowga Yurub ayaa xoojiyay taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya oo uu muddo dheer ku jiray howl galka tababarka ee Soomaaliya, taasoo ka dhigaysa dalka labaad ee ugu badan ee deeqaha ka bixiya reer galbeedka.

Waxaa xusid mudan in Midowga Yurub uu tan iyo sanadkii 2019-kii gaarsiiyay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed qalab iyo agab gaaraya 69 Milyan oo Yuuro.

Post a Comment

0 Comments