Madaxweyne Xasan Sheekh: Ma jiro wax wada hadal ah oo lala galo Al-shabaab, waana sii wadi doonnaa dagaalka lagula jiro
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa meesha ka saaray inuu jiro wax wada hadal ah oo u dhaxeeya dowladdiisa iyo Al-Shabaab, waxa uuna tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay sidii kooxdaasi loo ciribtiri lahaa qaab ciidan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu ay guulo waaweyn ka gaartay dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, isla markaana ay ka xoreysay dhul badan oo ay dowladdu ku soo celisay xasiloonida.
Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in guud ahaan dalka laga xoreeyo Al-Shabaab, isagoo intaa ku daray in saaxiibada ay dagaalka ku taageeri karaan hub iyo baahiyo kale, balse looga baahan yahay shacabka Soomaaliyeed inay ka hortagaan maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan goobaha dagaalka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay in in ka badan 80 goobood ay ka xoreysay dagaalyahannada Al-Shabaab, isla markaana ay qallajisay dhaqaalihii dhaqaale ee kooxda.
0 Comments