Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay Kalfadhiga Afaraad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

 Madaxweynaha Soomaaliya oo furay kalfadhiga afaraad ee Baarlamaanka Federaalka


Madaxweyne Xasan Sheekh

Maanta oo Sabti ah, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay Kalfadhiga Afaraad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo la qaaday tallaabooyin adag oo lagu sugayo amniga.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka ayaa ka hadlay horumarka ay dowladdiisu ka sameysay ka mid noqoshada ururka 8-aad ee Bariga Afrika Jimcihii iyo faylal la xiriira amniga, cafinta daymaha iyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale warbixin ka siiyey Xildhibaanada sida ay ugu diyaar garoobayaan wejiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay ka qeyb qaadan doonaan dalalka safka hore ee Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

Wuxuu bogaadiyay shaqada ay qabteen golaha shacabka kalfadhigoodii saddexaad, kaasoo ay ku ansixiyeen sharciyo badan oo muhiim u ah dadaalada dowlad dhisidda ee ay hormuudka ka tahay xukuumadiisa.

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamuud ayaa bogaadiyay dadaallada ay wadaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kaalinta ay kaga jiraan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo ballan qaaday in la ciribtiri doono kooxaha dhibaatada ku haya dalka.

Post a Comment

0 Comments