Danjire Ilyaas Sheekh ayaa bilaabay baaq bani’aadanimo oo ku wajahan dhammaan dalalka Carabta iyo ururada Carabta

 Ergada Soomaalida ee Jaamacadda Carabta ayaa ugu baaqay dalalka Carabta iyo Hay’adaha Caalamiga ah inay la soo gaaraan kaalmo deg deg ah

Danjire Ilyaas Sheekh Cumar


Danjire Ilyaas Sheekh Cumar Abuu Bakar Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa bilaabay baaq bani’aadanimo oo ku wajahan dhammaan dalalka Carabta iyo Ururrada Carabta, kuwa gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee ku aaddan sidii shacabka Soomaaliyeed loogu gurman lahaa. natiijadii ka dhalatay daadadkii weynaa ee ku dhuftay Soomaaliya.

Ergadii Soomaaliyeed ee Jaamacadda Carabta ayaa ugu baaqay dalalka Carabta iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo hay’adaha ay khusayso arrimaha gargaarka iyo gargaarka bini’aadantinimo inay si deg deg ah u soo farageliyaan gurmadka loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed, isla markaana kor loogu qaado tayada iyo adkeysiga shacabka Soomaaliyeed waji isbedel cimilo oo dhulkooda ku habsaday.

Waxa uu ku baaqay in dadaal wadajir ah oo Carab, gobol iyo mid caalami ah loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed iyo in si deg deg ah loo gaarsiiyo gargaar bini’aadantinimo si loo helo xal wax ku ool ah oo looga hortago musiibada Soomaaliya soo food saartay.

Post a Comment

0 Comments