UK ayaa 100 milyan ginni ku maalgelinaysa dadaallada horumarineed ee Soomaaliya

 UK ayaa ballan qaaday inay 100 milyan oo gini ku maalgelinayso dadaallada horumarineed ee Soomaaliya


UK iyo Soomaaliya

Boqortooyada Ingiriiska ayaa ballan qaaday inay 100 milyan ginni ku maalgelinayso dadaallada horumarineed ee Soomaaliya, kulankaas oo dhex maray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Britain Rishi Sunak oo ka dhacay London.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intii uu kulanka socday waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay daneyneyso in ay xoogga saarto sidii qorsheyaasha gargaarka degdega ah loogu beddeli lahaa mashaariic horumarineed oo mustaqbalka fog ah.

Madaxweynaha ayaa ka sheekeeyay caqabadaha ku xeeran nolosha shacabka Soomaaliyeed iyo dadaallada ay dowladdiisu ku bixisay sidii wax looga qaban lahaa macluushii soo bilaabatay 2022-ka iyo dhibaatooyinka hadda dalka ka jira ee ka dhashay fatahaadaha ka dhashay roobabkii ay ku barakaceen kumanaan qoys. 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee ka hortagga cunto yarida iyo masiibooyinka ayaa sheegay in Soomaaliya ay xudun u noqon karto dadaallada caalamiga ah ee lagu ciribtirayo gaajada, xaqiijinta tamarta iyo beeraha waara.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay xoreeyeen in ka badan 70-magaalo iyo gobolo qani ku ah dalagyada beeraha, kuwaasoo wax soo saarkooda ay curyaamiyeen kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, kadib markii ay beeraleyda ka xayuubiyeen xorriyaddii ay ku qabsan lahaayeen howlahooda shaqo.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Britain, Rishi Sunak, ayaa shaaca ka qaaday in Britain ay bilaabi doonto maalgelinta mashaariicda horumarineed, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo horumarinta beeraha Soomaaliya.

Post a Comment

0 Comments