Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa ansixiyay qabyo qoraalka sharciga “Tirakoobka Dadweynaha”.
Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa kulan deg deg ah oo ay shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho ku ansixiyay qabyo qoraalka sharciga Tirakoobka Dadweynaha.
Intii uu socday kalfadhiga oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga waxa ay soo bandhigeen warbixino faahfaahsan oo ku saabsan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Hindise sharciyeedka tirakoobka iyo tirakoobka xaaladda madaniga ah ee ay ansixiyeen Golaha Wasiirada ayaa lagu wadaa in la horgeeyo labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si ay u ansixiyaan.
0 Comments