Soo dhaweyn diiran oo Kismaayo loogu sameeyay R/Wasaaraha
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi ayaa maanta oo Axad ah gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.
Xamza iyo wafdiga la socday ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin caan ah oo ka tirsan dowlad goboleedka oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Imaatinka Ra’iisul Wasaaraha ee magaalada Kismaayo ayaa ujeedadiisu tahay sidii uu ugu kuurgeli lahaa xaaladda bini’aadantinimo ee ka jirta magaalada iyo deegaanada ku xeeran iyo u kuurgelidda howlaha gurmadka ah ee ka dhashay fatahaado xooggan oo galaaftay nolosha 96 qof, kumanaan kalena ay ku barakaceen.

0 Comments