Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo ku baaqay in loo diyaar garoobo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab
Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Madaxweynihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed, Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubaland ayaa kula dar daarmay in ay u diyaar garoobaan sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah dhalinyarada.
Waxa uu tilmaamay in guulihii waaweynaa ee laga gaaray dagaalka Al-Shabaab ay ku qaadeen dowlad goboleedyada Hirshabelle iyo Galmudug ay muujineyso sida loogu baahan yahay in meel looga soo wada jeesto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.
Sheekh Cabdul Raxmaan ayaa intaa ku daray in dagaalyahanada Al-Shabaab ay bilaabeen in ay isku uruursadaan xarumaha dowlad goboleedyada oo aysan ka dhicin dhaq dhaqaaqyo ciidan, isagoo tilmaamay inay muhiim tahay in la baacsado, lagana qeyb qaato ololaha dagaal ee ka dhanka ah.
Madaxweynihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in la gaaray xiligii muwaadinka uu is weydiin lahaa doorka looga baahan yahay in uu ka qaato dagaalka lagu ciribtirayo Al-Shabaab.
Wuxuu sheegay in ciidamada dowladda oo kaashanaya maleeshiyaad deegaanka ah ay u suuragashay in ay xoreeyaan deegaano badan oo ka tirsan dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, isagoo xusay in loo baahan yahay in la qaado tilaabooyin la mid ah kuwa Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.
0 Comments