Liverpool FC ayaa diiday dalabka ay soo gudbisay Naadiga Al-Itixaad ee Sacuudiga

 Liverpool ayaa diiday dalabka “cajiibka ah” ee Sacuudiga Al-Itixaad ee ahaa in Salah lagu daro


Xiddiga reer Masar Mohamed Salah

Shabakadda Sky Sports ee Ingiriiska ayaa Jimcihii sheegtay, in kooxda Liverpool ay diiday dalabkii ay u soo gudbisay kooxda Sucuudiga ka dhisan ee Al-Itixaad si loogu daro ciyaaryahankeeda Mohamed Salah, kaasoo ku kacaya 150 milyan oo gini.

Qiimaha yabooha uu soo gudbiyay xiriirka Sacuudiga ayaa gaarayay 150 milyan oo ginni oo u dhiganta 190 milyan oo doolarka Mareykanka ah, taasoo jabisay rikoorka Sacuudiga, kaasoo Al Hilaal uu dhawaan ku guuleystay inuu ku soo iibiyo xiddiga Brazil Neymar da Silva 97 milyan oo dollar.

Tababaraha Jarmalka ee Liverpool, Jurgen Klopp, ayaa shir jaraa’id oo uu goor sii horeysay qabtay ku xaqiijiyay in Mohamed Salah uusan iib ahayn, Reds-na ay diidi doonto inay iibiso ciyaaryahanka haddii uu dalab ka yimaado xiriirka kubadda cagta ee Jeddah.

Wakiilka Salah, Rami Abbas, ayaa sidoo kale sheegay horaantii bishaan, "Salah waxaa ka go'an inuu sii joogo Liverpool, haddii kale ma aanan cusbooneysiinayn qandaraaska xagaagii hore."

Mohamed Salah ayaa qandaraaska u cusbooneysiiyay labo sano oo dheeri ah, isagoo bishii mushaar ahaan u qaadan jiray taasoo ka dhigtay ciyaaryahanka ugu mushaarka badan taariikhda Liverpool.

Post a Comment

0 Comments