Kaalmada horumarineed ee Maraykanku ugu deeqay Soomaaliya oo qiimaheedu dhan yahay $92.6 milyan

 Mucaawinada horumarineed ee Maraykanku u dirayo Soomaaliya


Ameerika iyo Soomaaliya

Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa maanta oo Talaado ah kala saxiixday heshiis ku kacaya 92.6 milyan oo dollar, kaasoo ujeedkiisu yahay in lagu maalgeliyo mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya.

Heshiiska waxaa dhanka Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka, Maxamuud C/raxmaan Bini Bini iyo Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Aghi, halka dhanka Mareykanka uu u saxiixay Sii hayaha Arrimaha Dibadda. Safiirka Mareykanka ee Muqdisho.

Wasiirka Qorsheynta Beni Beni, ayaa tilmaamay in heshiiska labada dowladood ay soo gabagabeeyeen looga gol leeyahay in lagu dhiso adkeysi iyo xasilooni, kicinta kobaca dhaqaalaha Soomaaliya iyo xoojinta dowladnimada.

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Mareykanka ay tahay tii labaad muddo labo sano gudahood ah, isagoo intaa ku daray in hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Mareykanka ay sanadkii hore Soomaaliya ka fulisay mashaariic ay ku baxday in ka badan 70 milyan oo dollar.

Post a Comment

0 Comments