Qarax gaari lagu soo xiray ayaa ka dhacay Isgoyska Ifka Xalane ee magaalada Muqdisho

 Qarax gaari ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho


Qarax

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa barqanimadii maanta oo Talaado ah ku qarxay Isgoyska Ifka Xalane ee magaalada Muqdisho, kaasoo sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca labo kale.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada loo xilsaaray sugidda amniga magaalada Muqdisho oo ku sugnaa agagaarka Isgoyska Dabka ay rasaas ku fureen gaariga kadib markii looga shakiyay inuu qarxay.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, inkastoo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ay inta badan beegsato goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Post a Comment

0 Comments