Soomaaliya ayaa ku dhow inay ku biirto Bulshada Bariga Afrika
Xoghayaha guud ee bulshada Bariga Afrika Peter Matuki ayaa sheegay in Soomaaliya ay qaaday tillaabooyin muhiim ah oo ay ku noqoneyso xubintii sideedaad ee ururka EAC.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania ayuu ku sheegay in Muqdisho ay gaartay heerkii wada xaajoodka, wuxuuna muujiyay sida uu ugu kalsoon yahay in Soomaaliya ay sanadkan ku biirto ururka.
Matuki waxa uu intaa ku daray in Kooxda Bariga Afrika ay sameeyeen hawlgal hubin ah oo lagu qiimaynayo rabitaanka Soomaaliya ee ku biirista kooxda, waxaanu sheegay in wada-xaajoodyada aqoonsiga la bilaabayo 22-ka August.
Soomaaliya ayaa sanadkii 2012 codsatay in ay ku biirto ururkan, waxaana bulshada Bariga Afrika ay bilaabeen howlgal xaqiijin ah January 25, 2023 si ay u qiimeeyaan sida ay Soomaaliya diyaar ugu tahay in ay ku biirto.
0 Comments