Shirkada DP World ayaa dhamaystiri doonta balaadhinta dekeda Boosaaso

 Shirkada DP World ayaa dhamaadka sanadkan dhamaystirtay balaadhinta dekeda magaalada Boosaaso ee Puntland


Shirkada DP World

Wasiirka Dekadaha ee maamulka Puntland ee Waqooyi Bari Soomaaliya Axmed Yaasiin Saalax ayaa sheegay in DP World looga fadhiyo in dhamaadka sanadkan ay soo gaba gabeyso balaadhinta dekadda Boosaaso ee maamulkaasi.

Mashruucan oo ay ku baxayso lacag dhan 366 milyan oo dollar oo ay maalgelinayso shirkadda DP World, ayaa ka mid ah dhawr xarumood oo ay shirkaddu ku horumarinayso Geeska Afrika.

“Marka loo eego halka ay ku taallo oo istaraatiiji ah, waa waddo ganacsi oo lagu soo jiidan karo ganacsatada gobolka iyo caalamka,” ayuu yiri wasiir Axmed Yaasiin oo ka hadlayay horumarinta dekedda Boosaaso, isagoo xusay in ballaarinta labaad ay billaaban doonto sanadka soo socda.

Shirkadda DP World ayaa sanadkii 2017 ku guuleysatay heshiis 30 sano ah oo lagu horumarinayo laguna maamulayo dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, sidoo kale shirkaddu waxay heshiis midkan la mid ah kula gashay horumarinta iyo maamulka dekedda Berbera ee dalka aynu jaarka nahay ee Somaliland.

Post a Comment

0 Comments