Ciidamada Nabad Suggida Somaliya ayaa ka hortagay isku day la doonayay in lagu qarxiyo gaari

 Fashiliyay qarax gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho


Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Maanta oo Sabti ah ayaa ciidamada nabad sugidda Soomaaliya waxa ay ka hortageen qarax la doonayay in lagu qarxiyo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamada ammaanka ayaa agagaarka Koontaroolka degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ku qabtay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana qalabkan lagu soo dhex qariyay qudaar, daqiiqado ka hor inta aysan qarxin.

Labo ruux oo gaari watay ayaa la xiray, waxaana su’aalo la weydiinayaa. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Booliska oo ku aadan weerarkii fashilmay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Post a Comment

0 Comments