Xamza Cabdi ayaa la kulmay laba ra'iisul wasaare oo hore
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa shalay hoygiisa magaalada Muqdisho kula kulmay Ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdi Wali Maxamed Cali “Gaas” iyo Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.
Intii uu kulanka socday ayuu Xamza uga warbixiyay labadii ra’iisul wasaare ee hore guulihii ay dowladda federaalka ka gaartay, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada, barnaamijka deyn cafinta ee dalka, qaadista cunaqabateynta hubka iyo mas’uuliyadda amniga ee ciidamada Afrika.
Gaas iyo RW Sharma’arke ayaa kula dar-daarmay madaxda dowladda Soomaaliya inay xoojiyaan dadaallada lagu doonayo in dalka looga xoreeyo dhaq-dhaqaaqa dhallinyarada inta aan la gaarin doorashada.
Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa ka mid ah madaxdii hore iyo siyaasiyiintii ka qeyb galaysa shirka wadatashiga ee ka socda magaalada Muqdisho, kaasoo ay soo qaban qaabiyeen madaxda Soomaalida ee hadda jirta.
0 Comments