Ra’iisul Wasaaraha oo ku baaqay in xal laga gaaro colaadda Puntland
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa ku baaqay in si nabad ah lagu dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee ka taagan maamulka Puntland, kaddib dagaalladii ay dad badan ku dhinteen.
Berri ayaa sheegay in uu la xiriiray qaar ka mid ah madaxda Puntland, isagoo ku booriyay in ay nabadda horumariyaan, khilaafyadana ay ku xalliyaan wada hadal saaxiibtinimo.
Geesta kale, Berri ayaa Somaliland ka dalbaday inay joojiso duqeynta ay ka geysanayso magaalada Laascaanood, wuxuuna tilmaamay inay nasiib-darro tahay in mar walba ay dadku ku dhacaan madaafiic.
Ra’iisul Wasaare Xamzah ayaa ugu baaqay Somaliland inay ciidamadeeda kala baxdo goobaha ay ku sugan yihiin, isla markaana ay aqbasho casuumadaha ay u fidiyeen bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka, isagoo xusay in khilaafka lagu dhameeyo wada hadal.
0 Comments