Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa ka wada hadlaya sidii ay isaga kaashan lahaayeen xasilinta deegaanada laga saaray Al-Shabaab
Axadii, Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federalka Somaliya, Axmed Macalin Faki, ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Danjire Axmed bin Maxamed Al-Muwallad.
Kulanka dhexmaray Wasiirka iyo Safiirka ayaa looga hadlay sidii Soomaaliya iyo Sacuudiga ay isaga kaashan lahaayeen xasiloonida deegaanada laga saaray Al-Shabaab.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Mucalim Faki ayaa uga mahad celiyay Boqortooyada Sacuudiga taageerada ay Soomaaliya ka siiso dhanka dhismaha Qaranka.
Dhankiisa Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya magaalada Muqdisho ayaa uga mahadceliyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka booqashada uu ku yimid xarunta safaaradda ee magaalada Muqdisho.
.jpg)
0 Comments