Wasiirka arrimaha dibadda ayaa beeniyay warka ku saabsan is casilaadiisa

 Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo beeniyay in uu iska casilay xilkii uu hayay


Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Absher Omar Jammeh

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Somaliya, Absher Omar Jammeh, ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu iska casilay xilkaasi.

Jameh ayaa sheegay in hadda uu safar shaqo ugu maqan yahay dalka dibadiisa, wuxuuna hadalka ku saabsan iscasilaadiisa ku tilmaamay war aan sal iyo raad toona lahayn.

Wasiirka ayaa dhawaan magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbaijan kaga qeyb galay shir heer wasiir ah oo ka socday xafiiska isku xirka dhaqdhaqaaqyada aan duuliyaha lahayn ee Asarbayjaan, wuxuuna kulamo la qaatay dhiggiisa dalka Asarbayjaan Jeyhun Bayramov, iyagoo u kuurgalayay rajada laga qabo iskaashiga ka dhaxeeya Asarbayjaan iyo Soomaaliya.

Waxaa soo baxayay warar la isla dhex marayay oo ku saabsan iscasilaada Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, waxaana wararkan ay tilmaamayaan in is casilaadooda ay ka dambeysay kadib markii ay ku qanacsaneyn wax loo arko in Madaxtooyada Soomaaliya ay ku heyso Wasaaradahooda.

Post a Comment

0 Comments